Nairobi, 22, July, 2016….Waxaa maanta lagu soo gagabeeyey magaalada Nairobi shir ay wasaarada maaliyaddu soo qaban qaabisay oo ay ka soo qayb galeen maamulada Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed, iyo Jubaland. Shirka ayaa waxaa looga hadlayey Fiscal Federalism, oo ah sidii loo qaybsan lahaa dakhliga iyo kheyraadka dalku leeyahay, waxaana shirka khudbado ka soo jeediyey khubaro Soomaaliyeed ka kala socday Bangiga Aduunka, Wasaarada Maaliyadda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, iyo Macalimiin Jaamacadeed. Khubarada Soomaaliyeed oo ku takhasustay arrimaha Fiscal Federalism-ka iyo ka qaybgalayaasha ayaa soo jeediyey in loo bahaan yahay in laysla fahmo heerka canshuur ee ay qaadayso dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada. Waxaan khubaradu soo bandhigeen noocyada federaalka ee ka jira caalamka iyo midka ugu haboonaan kara ee dalka ka hirgaliya marka laga hadlayo maareynta dakhliga iyo qaybsiga kheyraadka dalka. Sidoo kale shirku intuu socday ayaa lagu soo bandhigay xog muujinaysa daymaha Soomaaliya lagu leeyahay oo gaaraysa 5.3 bilyan oo doolar. Waxaana lacagtaas 94% ay tahay dulsaar ku kordhay 26-kii sano ee la soo dhaafay halka 6% ay tahay daynta rasmiga ah ee dalka lagu leeyhay. Dadaalo badan oo ay Wasaarada Maaliyaddu sameeysay ayaa Bangiga Horumarinta Africa shaqaalaysiiyey khubaro soo aruurisa xogta daynta lagu leeyahay Soomaaliya, daymahaas oo ay leeyihiin Hay’ado [...]
↧