Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha: “Cadowga Al Shabaab waxaad u dhigteen cashar lama ilaabaan ah”+Sawirro

$
0
0
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kormeer ku tagey xerada ciidammada gaarka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee degaanka Balli Doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey ciidankan iyo taliyeyaashooda sida hufan ee ay uga soo dhalaalaan waajibaadkooda difaaca dalka iyo dagaalka ay kula jiraan cadowga argagixisada ah. “Soomaaliya waxay u baahan tahay shaqadiina hufan, maalin walbana waxaa sii kordheysa baahida uu waddanka idin qabo. Waxaa dhammaanteen naga go’an inaan difaacno diinteena, dalkeena, dadka iyo dowladda. Cadowga waad ka xirfad sareysaan, kana garowshiyo fiican tihiin dhinaca diinta, asluubta, dhaqanka iyo aadminimada, taas ayaana keentay inaad shacabka kalsooni buuxda ka kasbataan”. Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay yihiin rajada iyo tusaalaha dib u dhiska ciidammada dalka iyo dib u soo celinta dowladnidamada, sharciga iyo kala dambeynta. “Cadowga Al Shabaab waxaad u dhigteen cashar lama ilaabaan ah oo aysan ka soo waaqsan doonin. Waa waajib ina wada saaran inaan cadowgaas ka qabano shacabka ay gowracayaan iyagoo ku gambanaya magaca diinteena xaniifka ah, iyadoo aan ognahay in Ilaahay qur’aankiisa kariimka ah ku sheegay in bani’aadamku uu karaameysan yahay, naftiisana aan cayaar cayaar [...]

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles