Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta la filayaa in uu soo bandhigo qorshe uu doonayo in uu dalka ku xasiliyo marka uu kulan deg deg ah la yeesho golahiisa amniga. Tan iyo markii uu fashilmay inqilaab milatari oo la doonayay in dowladdiisa lagu rido ayaa waxaa la soo qab-qabtay ama shaqada laga saarayba 50 kun oo qof oo isugu jiro laamaha ammaanka, iyo shaqaalaha rayidka ee dowladda. Turkey ayaa ka doonaya mareykanka in uu u soo gacan geliyo wadaadka lagu magaacaabo Gulen, arrintaasi oo madaxweyne Erdogan iyo dhiggiisa mareykanka Barack Obama ay taleefoon uga wada hadleen. Ilaa hadda 45,000 oo qof ayaa laga dhigay kuwo la qabqabtay, la eryey ama shaqada ay ka joojisay xukuumadda Turkiga tan iyo wixii ka dambeeyey afgambigii dhicisoobay ee todobaadkii hore. Welina waxaa sii kordhaya dadka loo arko inaysan daacadda u ahayn madaxweyne Racep Tayyip Erdogan, waxaana iminka lagu daray macallimiinta jaamacadaha iyo hormuudyada iyo warbaahinta. Xukuumaddu waxay sheegaysaa in uu afgambiga soo maleegay wadaadka fadhigiisu yahay Maraykanka ee Fethullah Gulen oo isagu beeniyey eedeyntaas. Turkigu wuxuu ku cadaadinayaa Maraykanka inay u soo dhoofiyaan wadaadka, arrintaasna waxaa la iskula soo qaaday wada hadal telefoonka ku dhex maray talaadadii labada madaxweyne, Obama iyo Erdogan. Afhayeenka [...]
↧