Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kooxda Daacish oo ku eedeysay Al-Shabaab inay dishay Ajaanib ka bar bar dagaalameeysay

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Ururka Daacish ee ka dagaalama wadamada Siiriya iyo Ciraaq ayaa ku eedeyay Al-Shabaab inay dishay xubno Ajaanib ah oo ka bar bar dagaalamayay kooxda Shabaab kadib markii ay ka baxeen kooxda kuna biireen daacish.

Warbixin lagu soo daabacay labo bog oo taageera kooxda ISIS ayaa lagu sheegay in horjoogayaasha ururka  Al-Shabaab ay amreen dilka iyo xarigga tobonnaan Ajaanib ah oo sheegay inay ku biireen ururka ISIS.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in xubnaha Ajaanibta ah ee ay dishay kooxda Shabaab uu ka mid ahaa Mohamed Makawi oo u dhashay dalka Sudan, loona haystay inuu ku lug lahaa weerar lagu dilay dibloomaasi Mareykan ah iyo darawalkiisa sanadkii 2008.

Maxamed Makawi iyo nin kale oo lagu magacaabi jiray Abdelbasit Haj Hamad ayaa ka mid ahaa Afar nin oo dowladda Sudan ay ku xukuntay dil,  iyagoo loo haystay falal argagixiso balse xabsiga ayay ka fakadeen sanadkii 2010.

Dowladda Mareykanka ayaa lacag dhan 10 milyan oo doollar ballanqaadday inay ku bixinayso xog horseedi karta qabashada labada nin ee ka tirsanaa aururka argagixisada Shabaab, kuwaasoo hadda ku baxay gacanta kooxda..

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles