Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xeer ilaaliyaha Qaranka oo soo jeediyay in la magacaabo Guddiga Madaxa banaaan ee ka hortagga maasuqa.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahhir ayaa soo jeediyay inay muhiimtahay in la magacaabo Guddiga madaxa banaan ee la dagaallanka musuq maasuqa iyo kan madaxa banaan ee garsoorka, oo horseedi kara in cadaalad wax waliba lagu dhaqo.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr Axmed Cali Daahhir oo ka qeyb galay barnaamijka Kulanka todobaadka ee ka baxa Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay muhim u yihin guddiyadaasi cadaaladda iyo musuq maasuqa, isagoo ku baaqay in hay’adaha dowladda ay xoogga saaraan la dagaallaanka musuq maasuqa.

“In hay’adaha ka shaqeysanaya ama baaraya kiisaska la xiriira musuq maasuqa waxaa muhiim ah inay noqdaan kuwa ka madax banaan hay’adaha dowladda, sharciga inay raacaan oo hakuu tilmaamo waddo aad mareyso, waxyaabaha kale ee u baahan in la sameeyo waxaa ka mid ah in la dhiso Guddiga Madaxa banaan ee la dagaallanka Musuq maasuqa, waxaa kaloo muhiim ah iyana in la dhiso guddiga Madaxa banaan ee garsoorka” ayuu yiri Xeer ilaaliyaha Qaranka.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles