Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Soomaali ka qeybgalaya shirka caalamiga ah ee hal abuurka ganacsiga

$
0
0

War qoraal ah oo ay soo saartay ergeyada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  Axmed Cali Jaamac, uu ka qeybgali doono shirka caalamiga ah ee halbuurka ganacsiga  kaas oo dhici doono inta u dhaxeysa 22-24 bishan Juun waxaana lagu qaban doonaa magaalada Palo Alto, ee gobolka California ee dalka Mareykanka.

Shirka ayaa waxaa ka qeybgali doona in ka badan 700 oo hal abuuriyaal ganacsi  oo kala socda dhamaan daafaha aduunka.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa furi doono shirkan, waxaana mas’uuliyiinta ka qyebglaysa kamid ah xoghayaha ganacsiga dalka Mareykanka Penny Pritzker, maamulaha hey’adda USAID ninka lagu magacaabo Gayle Smith,  safiirka arimaha haweenka aduunka, Catherine Russell,  iyo mas’uuliyiin kale.

Shirka oo ah tii todobaad, waxaana wadamada martigeliyay kamid ah  Mareykanka, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Malaysia , Morooko iyo Kenya.

Madaxweyne  Obama ayaa lagu wadaa in shirka ka sheego sida ay ugu go’an tahay dhisida buudooyin ku caawiya wax ka qabadashada caqabadaha caalamka heysa sida wadajir ah.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles