Agaasimaha Radio Muqdisho, Mudane C/raxiin Ciise Caddo oo hogaaminaayo wafdiga ka socda Idaacadda Dowladda ee u matalaya Shirka Idaacadaha Jaamacadda Carabta ee maanta ka furmaya dalka Tunisia.
Shirkaan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa dhinaca kala ah shirkii 35 aad ee golaha midowga idaacadda Jaamacadda Carabta,
Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa sheegay in mudda dheer oo ay shirkaan Somalia ka maqnayd lagu guulaystay in dib loo soo celiyo islamarkaana uu u matalo maanta Radio Muqdisho ka qaybgal ka shirarka nuucan oo kala ah.
Agaasime C/raxiin Ciise Caddow oo markii tagay wadankaasi kulamo la qaatay mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday qaar ka mid ah Madaxda Idaacadaha iyo TVyada Jaamacadda Carabta ee shirk aka qaybgalay,
Waxaana uu si gaar ah u xusay Agaasimaha Raadiyaha iyo Tv ga Dalka Sa’uudiga, kaas oo ay ka wada hadleen arrimaha quseeya labada Mas’uul.
Dhinaca kale Agaasimaha Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in xubnihii uu la kulmay uu kala haddlay Mowjadihii uu Radio Muqdisho lahaa kuwaas oo ay sheegeen in qaar ka mid ah ay wali hayaan,
Sidoo kale waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in Radio Muqdisho ay ugu deeqaan Mowjado Raadiyaha u suurtagalinaayo in dunida si isku mid ah looga dhagaysto, lana balaariyo adeegyada uu Umadda Soomaaliyeed siiyo.
Halkaan ka dhagayso Waraysiga Agaasimaha Radio Muqdisho
,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });