Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Marwada Madaxweynaha “Hooyadu waa inay heshaa xarun lagu baxnaaniyo” SAWIRRO

$
0
0

DSC02491

Munaasabad lagu xusayey ka hortaga isku furanka Hooyada oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka qeyb gashay Marwada Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Sahro Cumar Xasan, Wasiir ku-xigeenka caafimaadka, agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka, guddoomiyha ururka haweenka gobolka Banaadir, gudoomiye ku-xigeenka Haweenka Qaranka iyo  hay’adaha  Wasaaradda caafimaadka ka gacan siiya ka hortaga halista isku furanaka haweenka waqtiga dhalamada ku yimaada.

Guddoomiyaha Haweenka gobolka Banaadir Jawahir Baarqab ayaa xustay in isku furanka uu sameeyn xun ku yeeshay haweenka Soomaaliyeed.

“waxaan ognahay in isku furanka sameyn balaaran uu ku yeeshay haweenka, ilaa ay la kulmaan takoor, loo furo dhibkii ka soo gaaray markii ay dhalaysay daryeel la’aanta caafimaad ay waysay cid umulisa darteed.”

Canab Xasan guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka ayaa tilmaantay hooyada uurka leh ay u baahnatahay xarun caafimaadka ,si looga badbaado ,halista isku furanka .

“waxaa loo baahan yahay dadaal dheeraad ah oo haweenka Soomaaiyeed lagu badbaadinayo ma udul qaadan karno in ay geeriyooto Hooyo Soomaaliyeed ee waysay meel ay ku Umusho ama ay isku furanto.”

Wasiir ku-xigeenka caafimaadka Cismaan Maxamed Cabdi ayaa xusay in Wasaaradda ay ka dagaalamayso in Hooyo Soomaaliyeed oo foolanaysa ay isku furanto, aydoo waysay umuliso xirfadle leh.

Marw Madaxweynaha Sahro Cumar Xasan ayaa xustay in loo bahanyahay in Hooyada ay dhibkeeda sheegan karto, isla markaana la helo cid ka jawaabta, waxaana ay intaa ku dartay in Hooyada ay marto marxalado badan marka ay uurka leedahay ilaa iyo inta a ka dhaleyso, ayna xaq u leedahay inay hesho daryeel caafimaad oo taam ah.

Dhowr iyo 20-ki sano ee ugu dambeeyay isku furanka waxa loo yaqaan waxa uu saameyn ku yeeshay haween badan, kuwaasi oo aan helin daryeelkii loo bahnaa xilliga dhalmada.

DSC02286 DSC02291 DSC02299 DSC02307 DSC02313 DSC02314 DSC02315 DSC02317 DSC02319 DSC02320 DSC02321 DSC02322 DSC02323 DSC02325 DSC02328 DSC02329 DSC02330 DSC02331 DSC02332 DSC02334 DSC02335 DSC02337 DSC02339 DSC02341 DSC02342 DSC02343 DSC02345 DSC02351 DSC02363 DSC02370 DSC02371 DSC02373 DSC02374 DSC02375 DSC02376 DSC02377 DSC02379 DSC02380 DSC02388 DSC02389 DSC02391 DSC02392 DSC02396  DSC02400 DSC02402 DSC02403 DSC02404 DSC02408 DSC02411 DSC02415 DSC02419 DSC02423 DSC02427 DSC02429 DSC02444 DSC02447 DSC02456 DSC02463 DSC02475 DSC02486 DSC02487 DSC02488 DSC02491 DSC03904

Sawir Qaade:- Farxaan Suleymaan Daahir

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles