Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliska ciidanka XDS oo baaritaano caafimaad sameeyay-Sawirro

$
0
0

Qaar kamid ah saraakiisha iyo askarta ka tirsan qeybta 12 April ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo qabay xanuuno iyo dhaawacyo horey u soo gaaray ayaa maanta loo sameeyaya baaritaano caafimaad, is loo ogaado in  xanuunadooda gudaha dalka lagu dabiibi karo iyo haddii ay jiraan kuwo u baahan in adeegyo caafimaad dibadda loogu qaado.

Janaraal C/laahi Axmed Buraale,oo ah abaanduulaha qeybta 12 April, ayaa taliska ka codsaday in adeegyada caafimaad ee loo sameynaayo ciidanka la joogteeyo maadaama ay howlgalo amniga xaqiijin ah ay askarta ku jiraan.

“Waxaan ugu tallagalnay in caafimaadka qeybta 12 April wixii jiran ay maanta ka qaadaan (exam) baaritaano waxaa suurtagashay ilaahbaa iska leh Xamdigaas,” ayuu yiri Buraale.

Madaxa hogaanka caafimaadka, Korneel Libaan Xusee Cismaan, ayaa sheegay in awaamiirta adeegyada  caafimaadka lagu gaarsiinaayo askar uu bixiyay taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeeda isla markaana dhammaan hogaanada taliska sida oo kale loo gaarsiin doono adeega caafimaad.

Tallaabadan ayaa dhiirigelin u ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo ku soo aaday xilliga ay ku guda jiraan howlgalo dalka looga sifeysnayo maleeshiyaadka kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

IMG_4319 IMG_4321 IMG_4330 IMG_4335 IMG_4346 IMG_4356 IMG_4361 IMG_4385 IMG_4406 IMG_4421 IMG_4433 IMG_4446 IMG_4459 IMG_4464

 

 

 

 

 

 

 

Jenaraal C/ laah axmed buraal


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles