Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Diinta Soomaaliya oo Masar kula kulmay Sheekh Al-Azhar “SAWIRRO”

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_1887
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya iyo wefdi uu hogaamnayo oo kusugan dalka Masar ayaa kulamo kala duwan la yeeshey mas’uuliyiinta dalkaasi.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ku soo dhaweyeey magaalada Qaahira ee dalka Masar mas’uuuliyiinta safaaraddaasi oo uu ka mid yahay siihayaha safaaradd Soomaaliya Ilyees Sheekh Cumar iyo xubno kale.

Mudane C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku amaanay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi Masar dadaalka ay ugu jiraan xoojinta xiriirka dhanka wadashaqeynta iyo diblomaasiyadda labada dal, maadaama Masar ay ka mid tahay wadamada taageera Soomaaliya.

Wasiirka Diinta oo u warramay Radio Muqdisho ayaa xusay in kulan uu la yeeshey Sheekh Azhar, waxaana ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashi iyo xiriirka labada dhinac.

Muddooyinkii ugu dambeyeey waxaa sii kordhayaay xiriirka wadashaqeeneed oo ka dhexeeysa dowladaha Soomaaliya iyo Masar, ayadoo dhinacyada amniga, ciidanka iyo siyaasadda ay ka taageerayso dowladda.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_1880
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_1881
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_1882
 Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_1886


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles