Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidanka XDS oo deegaanno cusub la wareegay

$
0
0

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta deegaanno badan oo ka mid gobolka Shabeellada dhexe.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya sareeyo guuto Cali Baashi, oo hoggaaminayay hawlgalka ciidamada ay halkaasi ka sameeyeen ayaa wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA u xaqiijiyay inay si buuxda ula wareegeen tuulooyinka, Masaajid Cali guduud,War gaadhi, Maxaa Siciid, Nuur dugle, Cad caddeey iyo Caddaan laxeey oo hoos taga gobolka Shabeellada dhexe.

Ciidamada qalabka sida oo aan goobahaasi kala kulmin wax iska caabbin ah ayaa halkaasi ka wada hawlgallo dheeri ah oo ay ku baadi goobayaan haraadiga maleeshiyada Al-shabaab.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles