Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Tartanki ciyaaraha ardayda dugsiyada Jeneraal Daa’uud oo la soo gebagebeeyay “Sawirro+Video”

Tartanki ciyaaraha kubbadda cagta ardayda dugsiga Jeneraal Daa’uud ayaa maanta lagu soo gebagebeeyay garoonka kubbadda cagta ee Banaadir Studium ee Muqdisho.

Tartankanayaa builowday bishii Janaayo ee sanadkan iyadoo ay ka soo qeybgaleen 18 kooxood, oo ka wada tirsan ardayda wax ka barata dugsiyada Jeneraal Daa’uud ee magaalada Muqdisho.

Tartankan oo soo maray heerar kala duwan ayaa waxaa ciyaarti kama dambeysta maanta lagu qabtay garoonka kubbadda cagta ee Konis, iyadoo labadaasi kooxood ay soo bandhigeen ciyaar xiiso badan oo ay aad u jecleysteen mas’uuliyiinti iyo dadweynihi ka qeybgalay daawashada ciyaartaasi oo ku soo idlaatay gool ku laad kadib markii ay kala badin waayeen waqtigii caadiga ahaa.

Maamulaha dugsiyada Jeneraal Daa’uud mudane Ismaaciil Cali Sheekh Nuur oo ka hadlay munaasabadii xiritaanka tartankaasi ayaa sheegay in ujeedada ay tartankan u qabteen ay tahay isdhexgalka iyo isbarashada ardayda ka wada tirsan dugsiyada Jeneraal Daa’uud ee magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha isboortige degmada Yaaqshiid Cali Xuseen Cali ayaa gebagebadii ciyaartaasi ka hadlay qiimaha ay bulshada u leeyihiin ciyaaraha isagoo ammaanay dadaalka ay muujiyeen maamulka iyo ardayda dugsiyada Jeneraal Daa’uud, isagoo ammaanay hanaanka nidaamsan iyo ciyaar wanaagga ay muujiyeen ardayda.

Cali Xuseen Cali gudoomiyaha isboortiga degmada Yaaqshiid ayaa koobki gudoonsiiyay kooxdi ku guuleysatay koobkaasi, isagoo kula dardaarmay iney halkaasi ka sii wadaan dadaalka balaaran oo ay muujiyeen.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-19h58m49s60
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-19h59m08s251
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-19h59m19s106
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-19h59m36s11
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-19h59m44s96
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-20h02m15s66
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-20h02m50s171
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-20h03m24s1
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-20h03m35s95
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-04-29-20h04m03s126

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles