Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

R.Wasaare Cumar “Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha”

$
0
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka tacsiyeeyey   qoysadka ehelada  dadkii  Soomaaliyeed ee ku geeriyooday    Somaali ah oo ku geeriyooday Badda u dhaxaysa   masar iyo taliyaaniga   kuwaas oo  aha tahriibayaal doonayey in ay galaan dalalka yurub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri “Aadbaan uga naxay runtii dhimashada ka dhalatay musiibadii ka dhacday Badda Meditarrean-ka, waxaana tacsi u dirayaa qoysaska iyo ehelada dadkii ku dhintay dhacdadaasi, waxaana alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo sidoo kale u tacsi u diray dawladdaha dadkii kale ee afrikaanka ahaa ee ku geeriyooday dhacdadaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada, ayaa kula dardaarmay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay ka waantoobaan inay dalkooda ka cararaan, isla markaana si macno darri ah ay ugu dhamaadaan badaha caalamka, wuxuuna xusay in xukuumadda Soomaaliyeed ay muhiimada koowaad siin doonto waxbarashada iyo shaqo abuurka dhalinyarada si ay dalkooda ugu nagaadaan.

“Fursado badan ayaa ka jira dalka, dhalinyaradu waa in aysan naftooda ku halligin badaha, qurbajoogtii Soomaaliyeed ayaa dib ugu soo laabanaya dalkooda si ay ug qeyb qaataan dib u dhiska, mana haboonna in xiligan loo haajiro dalal kale” ayuu yiri ugu dambeyntiina Ra’iisul Wasaare Cumar.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles