Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka dalka oo maanta la kulmay Wakiilada Waddamada Faransiiska ,Maraykanka iyo Ingriiska

$
0
0

Muqdisho, April 14, 2016: Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Fedaraalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta kulan la qaatay  Wadamada ,Faransiiska ,Maraykanka iyo Ingriiska

Danjireyaasha uu Mudane Cumar Carte la kulmay ayaa kala ah Rep Peter Wilson, Rep Alexis Lamek, iyo Christopher Klein.

Kulanka oo ka dhacay xarunta safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa inta uu socday waxaa looga wada hadlay sidii looga wada shaqayn lahaa Qodobada kala ah:-

  1. Hirgelinta Nidaamka doorashooyinka ee dalka ku soo fool leh.
  2. Isku-dhafka Ciidamadda iyo tababarkooda.
  3. In la tashi laga sameeyo Siyaasadda iyo Amniga Qaranka, iyadoo lala tashanayo  Maamul goboleedyada Dalka.
  4. Caawinta dhaqaalaha ee dhinaca ciidamada, doorashooyinka iyo abaaraha ka taagan dalka Soomaaliya.
  5. Muhiimadda Horu-marku uu u leeyahay Amniga.

Kulanka waxa ku wehlinayay R/Wasaare ku Xigeenka, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen Maxamed Axmed Aadan, iyo Wasiirka amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamuud

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles