Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray dalka Sudan “SAWIRRO”

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray dalak Sudan, halkaasi oo uu ku soo dhaweeyay dhigiisa Sudan Cumar Xasan Al-bashiir iyo xubno kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada ee Sudan caawa loogu sameynayaa kulan casho ah, iyadoo ay ka qeyb gali doonaan mas’uuliyiin ka tirsan labada dowladood, mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee Sudan iyo Diblomaasiyiin kale.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in kulan ay wada qaataan Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudan oo ka wada hadli doono arrimo badan oo ay ka midtahay xaaladda dalka iyo sidii ay xoojin lahaayeen xiriirka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu khudbad u jeediyo ardayda Soomaaliyeed ee wax ka dhigata Jaamacadda Afika ee dalka Sudan ku taalla, kuwaasi oo uu kala hadli doono sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen marka ay waxbarashada u soo dhamaato dib u dhiska dalkooda.

DSC02998 DSC02999 DSC03004 DSC03012 DSC03015 DSC03018 DSC03021 DSC03023 DSC03024 DSC03025 DSC03027 DSC03029 DSC03030 DSC03031 DSC03032 DSC03036 DSC03037

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles