Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Oo La Kulmay Mas’uuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Kenya-SAWIRRO

Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Colaad Rooble, ayaa kulamo la qaatay masuuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, isagoo kala hadlay xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxeysa safaaradda iyo wasaaradda Warfaafinta.

Wasiirka ayaa la kulmay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya mudane Jamaal Maxamed Xassan, safiirka ku xigeenka ahna qunsulka koowaad Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Qunsulka safaaradda Cali Maxamed Sheekh Begedi.

“Wasaaradda Warfaafinta oo ay ku jiraan hay’adaheeda warbaahinta waxay sii xoojinaysaa wada-shaqeynta ay la leedahay safaaradaha dibadda, gaar ahaan safaaraddeena Kenya oo shaqo muhiim ah u haysa bulshada Soomaaliyeed ee dalkaan ku nool” ayuu yiri wasiir Cabdullaahi Colaad oo ay la socdeen wakiilka wasaaradda Warfaafinta ee Kenya iyo qaar ka mid ah shaqaalaha ka howl gala warbaahinta Dowladda.

Safiir ku xigeenka safaaradda Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan ayaa soo dhaweeyay shaqada warbaahinta dowladdu ay ka hayso Kenya, isagoo tilmaamay in ay si dhow ula shaqeyso safaaradda. “Annagu waxaan ku faraxsan nahay kaalinta ay SNTV iyo Radiyo Muqdisho ama guud ahaan wasaaradda Warfaafintu ka qaadatay shaqada aan ka hayno Kenya, waxaan diyaar u nahay inaan la shaqeyno isla markaana caawinno” ayuu yiri.

Sidoo kale Qunsulka Safaaradda Cali Maxamed Begedi iyo shaqaalaha safaaradda ayaa soo dhaweeyay Wasiirka iyo howl-wadeenna wasaaradda Warfaafinta.

Ugu dambeyn, masuuliyiinta safaaradda ayaa soo dhaweeyay wakiilka cusub ee ay wsaaradda warfaafintu u magacowday dalka Kenya Yuusuf Sh Ciise, ayagoo sidoo kale u mahad celiyay wakiilka xafiiska banneynaya Cilmi Maxamed Waare oo muddo laba sano ah la shaqeynayay safaaradda.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_7019
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_6995

Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_6959
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_7081
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_7076
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_7065
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_7058
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_7044
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_7104
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_7096
Image may be NSFW.
Clik here to view.
IMG_7101
Sawir Qaade: Cabdulqaadir Koronto, Nairobi-Kenya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles