Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Soomaliya oo booqday Dekadda iyo Maxjarka weyn ee Magaalada Port Sudan+Sawirro

$
0
0

WhatsAppShare

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha,Dhirta iyo Daaqa Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ee maalmahaan booqashada shaqo ku joogay dalka Suudaan ayaa waxay shalay booqasho ku tageen Magaalada xeebta ah ee Port Sudan halkaas oo ay booqdeen Maxjarka weyn ee xoolaha laga dhoofiyo iyo Dekada Xoolaha eek u yaal magaalada Sawaakin,waxay kaloo booqdeen dhismayaasha taariikhiga eek u yaal magaalada Sawaakin iyo qaar kamid ah mashaariicda waaweyn eek u saabsan Xoolaha halkaas laga hirgaliyay sida Kawaanka weyn .

Wafdiga ayaa safarka ay ku tageen Port Sudan waxa ku weheliyay Wasiiru-dowlaha Xanaanada Xoolaha Suudaan Dr.Jacfar Abdalla iyo Wasiirka Dalxiiska iyo Magaaleynta ee Dowlad goboleedka Baxrul Axmar Saalax,Mayorka Magaalada Sawaakin iyo Taliyaha Ciidanka Gobolka iyo Madax kale duwan ooka tirsan gobolka Baxrulaxmar.

Wafdiga markii ay tageen gobol Baxrul Axmar waxaa xafiiskiisa kusoo qaabilay Waaliga(Governor) Gobolka Baxrul Axmar Ahmed Ali Xaamid oo uga mahadnaqay booqashadooda isagoo u balanqaadey in wax kasta diyaar loola yahay waxkasta oo ay awoodaan.

Mudadii ay ku jireen safarka Wafdigu waxay u kuurgalayeenhorumarka weyn ee Suudaan ka gaartay dhaqida iyo horumarinta Xoolaha iyadoo mar walba laga duulayo sidii iskaashi iyo aqoon kororsi ama khibrad kororsi looga samayn lahaa dhinacyadaas.

Wafidga waxaa la filayaa in maanta oo kheshiis ah ay heshiis iskaashi oo dhinacyo badan taabanaya  la saxiixdaan Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Suudaan.

3a59cd48-44fe-4343-9fc4-3d5116fac503 5508d6e2-262d-4e62-8e3c-3386465ac028 85138d58-2d5c-4c0d-ae9f-e8edd8db22dd a8fdab3a-a5f3-4634-93ca-5dd189c4f234 bb863979-88a9-4825-ad8d-7200ab605e82 cfaf2b38-1bb7-4734-98d0-20973acc4699 d01db6ac-c6bd-4657-a61e-0dab531246f0 d25d2d6f-df19-4926-84d9-12ff466d7427 e00b13fb-7518-476a-ad27-9330a5bfb63f e4d347ea-104a-4ef3-a2b4-69b006cc9e33

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles