Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha J. F. S. oo ka hadlay howlgalki lagu dilay horjooge ka tirsanaa Shabaab

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay howlgalki ay ciidamada Kumaandoosku ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Hoose, kaasoo lagu dilay horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in howlgalkaasi  oo qaatay habeen iyo maalin lagu dilay horjooge  Xaan Cali Dhoore oo ka tirsanaa Shabaab isalamarkaana  abaabulay qorshe lagu dhibaateeyn lahaa ummadda Soomaaliyeed, isagoo xusay in gacanta lagu soo dhigay maleeshiyaad  ka nid ahaa argagixisada Shabaab.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa bogaadiyay ciidamada ka qeybgalay howlgalkaasi, isagoo xusay iney ciidamadu sii wadi doonaan howlgallada dalka looga sifeeynayo argagixisada Shabaab.

“Kumaandooska Soomaaliya iyo Qubarro ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa weerar ku qaaday saldhig uu daganaa horjooaha Amniyaadka u qaabilsan Al-shabaab Xasan Cali Doorre, waxay ay ciidamadu ka hortageen weerarro la qorsheynayay in lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed, ciidamada howlgalka sameeyay waxa ay gacanta ku soo dhigeen tiro ka mid ah maleeshiyaadka Al shabab, howlgaladaasina si joogta ah ayuu u socon doonaan” Ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh. Maxamuud

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka siiyaan ciidamada sidii loo dabar goyn lahaa kooxda argagixisada ah ee Shabaab ee dhibaatooyinka ba’an ku haya ummadda Soomaaliyeed ee abriyada ah.

Waa markii labaad ee ciidamada Komaandooska Danab ay howlgallo noocan oo kale ah ka fuliyaan deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles