Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shaqaale Turki iyo Soomaali isugu jira oo lagu dilay galabta degmada Hodan

$
0
0

Shan qof ayaa geeriyootay oo labo ka mid ah ay ahaayeen Turki halka Sadaxda kale ay ahaayeen Soomaali la shaqeyneysay Turkida kadib markii lagu weeraray gaari ay la socdeen agagaarka Isgoyska Taleex ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaas ku daraya in raggan la weeraray ee isugu jira Soomaalida iyo Turkiga ay ahaayeen shaqaale ka shaqeynayay Isbitaalka Deefa oo ku yaala xaruntii hore ee Dugsigii sare ee Banaadir kaas hada isbitaal loo badalay.

Qof goob-jooga ah oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Gaari nuuca BL ka oo kale daaqadihiisa rasaasta looga furay kadibna ay kooxahaasi baxsadeen.

Hay’adaha amniga ayaa ilaa hada baaritaano ka wada goobihii ay wax ka dheceen, mana jirto ilaa hada war rasmi ah oo sheegaya raggan wax weeraray cidda ay ahaayeen.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles