Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Rag lagu eedeeyay burcad badeednimo oo la soo taagay maxkamad ku taala Faransiiska

Toddobo  Qof Soomaali ah oo laga soo qabtay gacanka cadmeed ayaa kasoo muuqday Maxkamad ku taalla Dalka Faransiiska, iyaga oo loo heysto falal burcad badeednimo.

Waa markii afaraad oo Burcad badeedaan ay kasoo muuqdaan Maxkamadda, waana maxkamadeyntii u horeysay ee dhacda sanadihii u dambeeyay oo ay hoos u dhacday awooda burcad badeeda.

Eedeysanayaasha oo da’dooda, ay u dhaxeyso  25 ilaa 32 Sano ayaa lagu eedeynayaa afduubka dooni Dalxiiska sanadkii  2011,  taas oo ay ku qabsadeen meel ku beegan Xeebaha Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa sheegeysa in Christian iyo Evelyne Colombo oo ah labo lamaane oo u dhashay Faransiiska lagu afduubay doonta, kuwaas oo ka tagay Dekada Caddan, kuna sii jeeday Cumaan

Evelyne Colombo oo Ciidamada badda Spain ay  soo badbaadiyeen ayaa sheegtay in Seygeeda Christian ay dileen Burcad badeeda kadibna ay meydkiisa ku tureen badda.

Toddobada Qof ayaa la qabtay intii lagu guda jiray howllgalka lagu badbaadinayay la heystayaasha, markaasi oo loo wareejiyay Dalka Faransiiska, iyada oo labo ka mid ah Burcadeed ay dhinteen.

Macadda go’aanka Maxkamadda ay ka qaadan doonto raggaan Soomaalida ah, oo mar kale la filayo inay kasoo muuqdaan Maxkamadda si looga gaaro go’aan kama dambeys ah.

Awooda Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa la aaminsan yahay inay hoos u dhacday sanadihii u dambeeyay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles