Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciyaaraha xagaaga ee Soomaalida oo Columbus-Ohio lagu soo gabagebeeyay-Sawirro

$
0
0

Ciyaaraha xagaaga oo ah ciyaaro sanadwalba xiliyadan oo kale lagu qabto magaalada Columbus-Ohio ee dalkan Mareykanka waxaa sanadkii 16 aad ka soo qeybgalay 16 kooxood oo ka kala yimid gobolada dalka Mareykanka iyo Canada.

Kumanaan Soomaali ah ayaa soo buux dhaafiyay goobta ay ciyaaruhu ka socodeen.

Maamulka soo abaabulay Ciyaarahan  ayaa sheegay ujeedadu in ay tahay raadinta jiilal Soomaaliyeed oo maskax ahaan iyo jir ahaan ka dhisan iyo dhalinyarada laga mashquuliyo wax aan waqtigooda ku haboonayn.

Ciyaarahan oo si isku dhex jir ah u soconayay  ayaa waxaa afar dhamaanka (Semi  Final)  ayaa waxaa isku soo haaray  afar naadiyada   oo kala ah Twin city star, Kooxda Seattle, , TMT  Ohio iyo Tigers.

Kooxahan oo soo bandhigay ciyaar wanaag ayaa waxaa kama dambeytii isugu soo haray TMT Ohio iyo Kooxda Seattle waxaana jawiga ciyaartu ay ahayd mid xamaasad badan oo qeylo iyo sacab isugu jiray.

Guushii koobka waxaa la hoyday kooxdii ka socotay Seattle Washington oo heshay lix gool halka kooxta TMT Ohio ay heleen 2 gool oo qura. Koobkii xagaaga ee sanadka 2016ka waxaa sidaa kula hoyday kooxda seattle.

Kooxaha Caruurta waxaa isugu soo haray 2 kooxood oo ka kala socday gobolada Ohio iyo Maine waxaana Koobka caruurta ku guulaystay Kooxdii ka socotay Ohio kadib markii ay ku soo baxeen rigoorayaal loo kala dhigay.

Waxaa la bixiyay Koobab iyo bilado la gudoonsinayay dadka ugu fiicnaa xili ciyaareedka 2016 ka.

Ciyaartooyga ugu gool dhalinta badan ayaa loo aqoonsaday  Cabdiwali Zegler oo 11 gool dhaliyay kana socda kooxda Seattle.

Ciyaaryahanka ugu fiican ayaa loo aqoonsaday Dooli oo ka Tirsam TMT Ohio. Tababaraha ugu fiican ayaa loo aqoonsaday Macalin Cabdilaahi Xirsi oo ka yimid gobolka Maine.

Goolhaya ugu fiican ayaa la siiyay Ciyaaryahan aad u yar oo ka tirsan ciyaartoodya 14 jirada ee kooxda Ohio kaas oo lagu magacaabo, Chino.

Ciyaartooydii cuslaatay waxaa  qaaday kooxda Washington. Waxaa abaal marin la siiyay Kooxda Utaanga oo lagu tilmaamay kooxda kaliya oo isku duubni iyo taageero Sports leh mudo dheer.

Kooxda TMT Ohio ayaa la gudoonsiiyay bilado halka Kooxda Seattle ay qaateen koobkii sanadka 2016.

IMG_9411 IMG_4394 IMG_9355 IMG_4383 IMG_9353 IMG_4369 IMG_4422 IMG_4363 IMG_4403 IMG_4361 IMG_4331 IMG_4340 IMG_4347 IMG_4350 IMG_4355 IMG_4328 IMG_4323 IMG_4315 IMG_4311 IMG_4310 IMG_4236 IMG_4241 IMG_4287 IMG_4299 IMG_4307

IMG_3239 IMG_3212 IMG_3187 IMG_3147 IMG_3127 IMG_3634 IMG_3615 IMG_3587 IMG_3557 IMG_3316 IMG_3770 IMG_3777 IMG_3894 IMG_3925 IMG_3893 IMG_3884 IMG_3843 IMG_4004 IMG_4040 IMG_4106 IMG_4125 IMG_4021 IMG_4032

W/D: Deeqo Sonna


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles