Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka Maaliyadda oo ku dhawaaqay in Hal-milyan oo doolar ay dowladdu ugu deeqday dadka ay abaaruhu ku habsadeen

Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen Gudiga Qaran ee Gudmadka Abaaraha ayaa looga hadlay Abaaraha ba’an ee ka jira dalka, shirkaan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Ururada bulshada rayidka, Culumo u diink iyo Dhalinyarada waxayna dhamaantood muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin ka qayb qaadashada abaaraha baahsan ee ku dhuftay qaybo badan ka mid ah goboladda dalka.

Wasiirka Maaliyadda XFS mudane Maxamed Aden Ibrahim Farketi oo xubin ka ah gudiga ayaa intii shirku socday wuxuu balan qaaday in dowladu bixinayso lacag gaaraysa 1,000,000 Milyan oo doolar si wax looga qabto Abaaraha ka jira dalka.

Gudigaan oo shaqadoodu tahay wax ka qabashada abaaraha ayaa waxaa looga dhawaaqay khamiistii la soo dhaafay shirkii golaha Wasiiradda, waxaan hogaaminaysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Gudigan ayaa u xilsaaran isku xirka Dowladda dhexe, Dowlad Goboleedyada, Beesha caalamka, Wacyi galinta Shirkadaha gaarka loo leeyhay, Ganacsatada, iyo Hay’adaha Maxaliga ah iney gacan buuxda ka gaystaan ka qayb qaadashada Abaaraha saameeyey gobolo ka tirsan dalka.

Ugu danabayntii Gudiga ayaa ugu baaqay Beesha caalamka, Jaaliyadaha dibadaha, Shirkadaha waaweyn ee dalka ka jira iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed iney gacan ka gaysataan wax ka qabashada Abaaraha, oo saamayn ku yeeshay Xoolaha, Beeraha iyo Dadka intaba.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
W Maliyadda Farkeeti


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles