Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maxabiistii lagu soo qabtay dagaalkii ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab oo la gaarsiiyay Deeq “SAWIRRO”

Deeq isugu jirtay dhar, kabo iyo agabyo kale oo loogu talagalay nadaafadda jirka beni’aadamka ayaa waxa maanta maamulka degmada Gaalkacyo ee Dowlad Gobaledka Galmudug ay gaarsiiyeen maxaabiistii ka tirsaneeyd Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ciidamada Galmudug ay kusoo qabteen dagaaladii ay la galeen maleeshiyaadka argagixisada ee Al-Shabaab.

Duqa dagmada Galkacyo Xirsi Yuusuf Barre ayaa tilmaamay in deeqdan dharka ah ay tahay mid ay ugu talagaleen maxaabiista, si loo ilaaliyo xuquuqda ay leeyihiin dadka lagu qabto dagaalada.

“Waxaan u nimid inaan maxabiistii lagu soo qabtay dagaalkii dhexmaray Shabaab iyo Galmudug inaanu u fidino gar gaar waxaan u keenay dhar ay ku badashaan kuwii horay ee ay u wateen oo aad ugu wasaqeeysatay si loo ilaaliyo nadaafadda, isla markaana aysan cuduro uga dhalan” ayuu yiri duqa dagmada Galkacyo

Qaar ka mida maleeshiyaadkaasi oo iyana la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin deeqdaan, iyagoo dhanka kalena sheegay in si wanaagsan loo dhaqmay intii gacanta lagu hayay.

Dhanka kale magaalada Gaalkacyo ayaa lasoo gaarsiiyay ilaa iyo 14 maxbuus oo ka tirsanaa maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee shalay dagaalku ku dhexmaray, iyaga iyo Ciidamada Galmudug deegaanka Jiray ee Bariga Gobalka Mudug

Tiarada maxabiista ka tirsan maleeshiyaadka Al shabaab ee ciidamada ammaanka Galmudug ay soo qabteen ayaa ilaa haatan gaaraya ilaa iyo 36 maxbuus.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h25m02s112
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h25m16s240
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h25m53s109
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h26m10s28
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h26m47s138
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h27m10s67
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h27m28s40
  Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h28m45s28
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h29m01s192
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-26-13h30m43s107

Sawir Qaade:- Cabdirisaaq Maxamed Axmed


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles