Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Waddada Via Roma oo olole nadaafadeed laga sameeyay

$
0
0

Waddada  Via Roma ee isku xirta degmooyinka Xamar weyne iyo Xamar JaJab ee gobalka Banaadir oo ay ka socotay howlo nadaafadeed ayaa maanta waxaa kormeerey guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Shaqaalaha waaxda bulaacadaha  wadooyinka  ee dowlada hoose Xamar ayaa goobaha biya mareenka ah ee wadada Via Roma ka soo saaray  qashin fara badan iyagoo ugu talagalay in loo diyaar garooba xiliyada  roobka ineysan  biyuhu fadhiisanin wadada.

Agaasimaha waaxda bulaacadaha iyo wadooyinka ee  dowlada hoose Xamar Maxamed Xasan Casir, ayaa sheegay mahadcelin u jeediyay shaqaalaha ka howlan hagaajinta nadaafadda magaalada.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale,  waxaa uu kula dardaarmay bulshada Soomaaliyed ee ku nool magaalada Muqdisho in aysan caqabad ku noqonin bilicda wadankooda  islamarkana ay door ka qaatan horumarinta magaalada Muqdisho.

Dowlada hoose ee Xamar  ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay waxey sii xoojisay  dhismaha wadooyinka iyo olaha  lagu nadiifinaayo wadooyinka qashinka iyo bulaacadaha xirmay si uusan roobka biya fadhiisin ugu sameynin wadooyinka magaalada  caasimadda ah ee Muqdisho.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles